Fahamka guud ee muwaadin-nimada – somali wire news

Qaybta: 2aad

MUWAADIN-NIMO ( CITIZENSHIP)

WAA MAXAY MUWAADIN-NIMO?

  1. Muwaadin-nimo waa xiriirka ka dhexeeya shakhsi iyo dal ama dalal.
  2. Muwaadin-nimo waa aqoonsi sharci ee qof ku leeyahay, taas oo macneheedu yahay in qof u diiwan gashan yahay dowladda dalkaas.

Qofka aan Aqoonsi Muwaadin lahayn waxa layiraahdaa(stateless) Dal-laawe.

SIDA AQOONSIGA MUWAADINKA LAGU HELO:

  1. Waalidiintaada oo Muwaadinka ah dalka aad aqoonsiga ka dalbanaysid.
  2. In aad ku dhex dhalato dalka aad aqoonsiga sharci ka raadinaysid.
  3. Guursiga Qof Muwaadin ah.
  4. In aad u qaxdo dal kale oo buuxiso shuruudaha looga baahan yahay Muwaadinka.

WAA MAXAY FARQIGA U DHAXEEYA QOWMIYADNIMO IYO MUWAADIN-NIMO(ETHNICITY AND CITIZENSHIP?

  1. Qowmiyadnimo waxa loo adeegsadaa dalka uu qofku ku dhashay, waxaana lagu helaa dhaxal ahaan laga dhaxlo waalidka, lamana badali karo Qawmiyadnimada.
  2. Muwaadin-nimo waa aqoonsi sharci uu qofku ka helay dawladda dalkiisa ama dalal kale, waxaan uu qofku haysan karaa Muwaadin-nimo kala duwan.

XUQUUQDA MUWAADINKA (CITIZEN’S RIGHTS)

  1. Muwaadinka waxa uu xaq uleeyahay in uu noolaado oo aan lagu dhibin noloshiisa.
  2. Muwaadinku waxa uu xaq u leeyahay in uu cibaadaysto.
  3. Waxa uu xaq u leeyahay in aan la iska xirin sabab la’aan.
  4. Waxa uu muwaadinku xaq u leeyahay in uu u codeeyo ciddii uu taageersanayahay ama isaga loo codeeyo hadii uu buuxiyo shuruudaha codaynta.
  5. Waxa uu xaq u leeyahay in la ilaaliyo hanitidiisa u gaarka ah sida Guriga.
  6. In uu helo xoriyatul qawl oo aan fikir kiisa lagu caburin hadii uu san khilaafsanayn diinta iyo sharciga islaamka, dhaqanka iyo quwaaninta dalka u degsan.
  7. Waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo kulamo ama isu soobax nabadeed
  8. Waxa uu xaq u leeyahay Muwaadinku in aan la faquuqin ama latakoorin
  9. Waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xukun caddaalad ah haddi ay dacwadi gasho.
  10. Muwaadinku waxa uu xaq u leeyahay in uu ka mid noqdo ama ka qayb galo Maamulka dalkiisa iyo dawladdiisa.

MASUULIYADAHA MUWAADINKA (CITIZEN’S RESPONSIBILITIES)

Qof kasta oo Muwaadin ah waxa ku waajib ah:

  1. In uu cashuurta ku waajibtey bixiyo.
  2. In uu u hogaansamo sharciga dalkiisa
  3. In uu markhaanti furo oo uu sheego waxa uu ka ogyahay maxkamadda horteeda haddii kiis loogu yeero markhaanti ahaan.
  4. In uu ka qayb qaato difaaca dalka haddii cadow soo weeraro oo ka qayb qaadashadiisa loo baahdo.
  5. In uu codkiisa bixiyo oo wax doorto

WAXA QORAY: MAXAMED AXMED ADAM (DHAGJAR)

Agaasimaha Dimoqraadiyeynta iyo Dhisidda Nabadda ee Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federalka iyo Dimoqraadiyeynta ee Dawladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *